Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.
51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
2 Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
3 Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
8 I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso,
Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis,
Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
10 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalkii uu ugu dhaartay inuu siiyo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo uu idin siiyo magaalooyin waaweyn oo wanwanaagsan oo aydaan dhisan, 11 iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin, iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan, 12 de markaas iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 13 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa. 14 Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan, 15 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa Ilaah masayr[a] ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.
16 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah ugu jirrabteen oo kale. 17 Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray. 18 Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin, 19 oo aad cadaawayaashiinna oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.
20 Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna ahu idinku amray micnahoodu waa maxay? 21 Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan, 22 oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag. 23 Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen. 24 Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay. 25 Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.
17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
Jacaylka Walaalnimada
8 Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey. 9 Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 10 Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya