Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sharciga Kunoqoshadiisa 6:1-9

Jeclaada Rabbiga Ilaahiinna Ah

Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad wada xajisaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan idinku amrayo oo dhan. Waa inaad idinka iyo wiilashiinna iyo wiilashiinna wiilashooduba wada dhawrtaan intaad nooshihiin oo dhan in cimrigiinnu dheeraado. Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya. Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan. Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga. Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba. Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan. Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.

Sabuurradii 119:1-8

ALEF

119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.

Cibraaniyada 9:11-14

Isbixinta Ciise Masiix Xoog Wax Nadiifiya Ayay Leedahay

11 Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?

Markos 12:28-34

Qaynuunka Ugu Weyn(A)

28 Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan? 29 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya. 30 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan. 31 Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro. 32 Waxaa culimmada mid ka mid ahu ku yidhi, Sida runta ah, Macallimow, si wanaagsan baad u hadashay markaad tidhi, Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane. 33 In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan, iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, iyo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba. 34 Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya