Revised Common Lectionary (Complementary)
ALEF
119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
4 Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
6 Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.
9 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 10 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda. 11 Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan. 12 Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan. 13 Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa. 14 Oo haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan.
Sida Loo Helo Nolosha Weligeed Ah(A)
25 Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
Masaalka Ku Saabsan Ninkii Wanaagsanaa Oo Reer Samaariya
29 Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah? 30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31 Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32 Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34 Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35 Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa. 36 Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay? 37 Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya