Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:1-8

ALEF

119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.

Laawiyiintii 19:32-37

32 Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 33 Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa inaydaan xumayn. 34 Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 35 Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda, iyo miisaamidda iyo beegiddaba. 36 Waa inaad haysataan kafado qumman iyo miisaan qumman, iyo eefaah qumman iyo hiin qumman, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idinka soo bixiyey. 37 Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Rooma 3:21-31

Xaqnimada Waxaa Lagu Helaa Rumaysadka Xagga Ciise Masiix

21 Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27 Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga. 29 Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30 hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31 De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya