Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 34:1-8

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.

34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.

Boqorradii Kowaad 2:1-9

Wixii Daa'uud Ku Amray Sulaymaan

Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi, Anigu waxaan marayaa jidka dadka dhulka oo dhan; haddaba xoog yeelo, oo raganimadaada muuji, oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba; inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista. Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray. Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha. Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay. Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo. Sidaas daraaddeed inuu eedlaawe yahay ha u qaadan, waayo, waxaad tahay nin xigmad leh, oo waad garan doontaa waxa kuu eg inaad ku samayso, oo waa inaad cirrada madaxiisa dhiig xabaasha la gelisaa.

Matayos 7:7-11

Dhiirrigelinta Tukashada(A)

Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa. Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya