Revised Common Lectionary (Complementary)
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
Dherigii Geerida
38 Oo Eliishaa haddana wuxuu yimid Gilgaal; oo wakhtigaasna dalku abaar buu ahaa, oo isagana waxaa hortiisa fadhiyey qoonkii nebiyada ahaa; oo isna midiidinkiisii ayuu ku yidhi, Dheriga weyn dabka saar oo qoonka nebiyada ah maraq u kari. 39 Oo midba berrinka u baxay inuu khudaar soo guro aawadeed, oo wuxuu helay geed duureed, oo ubbodibadeedyona faraquu ka soo buuxsaday, oo intuu soo noqday ayuu dherigii maraqa ku googooyay, waayo, ma ay garanayn. 40 Sidaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen. 41 Laakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag.
31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo. 35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska. 36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. 37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa. 38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya