Revised Common Lectionary (Complementary)
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
37 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,
Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa
Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
3 Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,
Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;
Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,
Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';
Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar
Iyo roobkiisa weynba.
7 Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,
In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
8 Markaasaa bahalladu hogag galaan,
Oo waxay iska joogaan boholahooda.
9 Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,
Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,
Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,
Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,
Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro
Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,
Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
Wakhtiga Dhammaadkiisa(A)
25 Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood. 26 Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa. 27 Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 28 Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya