Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 78:1-4

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.

78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

Sabuurradii 78:52-72

52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya,
Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen,
Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare,
Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday,
Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey,
Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo,
Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef,
Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay,
Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef,
Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay,
Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey,
Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf,
Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah,
Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare,
Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud,
Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay,
Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa,
Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.

Samuu'eel Kowaad 21:1-6

Daa'uud Oo Nob Yimid

21 Oo markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay? Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay. Haddaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal. Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban. Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin? Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.

Yooxanaa 5:1-18

Curyaankii War Beytesda Ag Joogay

Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay. Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan. Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay. Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato? Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday.

Maalintaas waxay ahayd sabtidii. 10 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid. 11 Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco. 12 Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco? 13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.

14 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin. 15 Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa. 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii. 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya