Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 78:1-4

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.

78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

Sabuurradii 78:52-72

52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya,
Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen,
Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare,
Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday,
Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey,
Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo,
Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef,
Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay,
Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef,
Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay,
Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey,
Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf,
Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah,
Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare,
Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud,
Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay,
Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa,
Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.

Baxniintii 16:13-26

13 Oo waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax. 14 Oo markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay. 15 Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan. 16 Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado. 17 Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar. 18 Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay. 19 Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda. 20 Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday. 21 Oo subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay. 22 Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen. 23 Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda. 24 Kolkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag. 25 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan. 26 Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba.

Rooma 9:19-29

Ilaah Baa Xukunka Leh

19 Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay? 21 Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn? 22 Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda, 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta, 24 xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena? 25 Siduu Hooseeca ka dhex yidhi,

Kuwo aan dadkaygii ahayn ayaan u bixin doonaa, Dadkayga,
Tu aan ahayn gacalisadaydiina waxaan u bixin doonaa, Gacaliso.
26 Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin,
Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.

27 Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa, 28 waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya, 29 oo sidii Isayos hore u yidhi,

Haddaan Rabbigii Saba'ood farcan inoo reebin,
Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya