Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
15 Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa, 16 laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo. 17 Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.
18 Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale, 19 kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
20 Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar, oo gudcurkana iftiin ku beddela, iftiinkana gudcur ku beddela, oo qadhaadhkana macaan ku beddela, macaankana qadhaadh ku beddela.
21 Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
22 Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo, 23 kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada! 24 Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
Dunida Iyo Ruuxa Runta
18 Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan.
26 Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa. 27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya