Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 51:1-12

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.

51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.

Xabaquuq 3:2-13

Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa.
Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda,
Sannadaha dhexdooda ogeysii,
Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.
Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan,
Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah)
Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka,
Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka,
Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya.
Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
Waxaa hortiisa socday belaayo,
Oo waxaa daba socday xummad.
Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay,
Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay.
Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen,
Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen.
Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira.
Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.
Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha?
Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha
Mase waxaad u cadhootay badda?
Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga,
Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?
Qaansadaadii daaha baad ka qaadday,
Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah)
Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.
10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen.
Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen,
Moolkii codkiisuu ku hadlay,
Gacmihiisiina kor buu u taagay.
11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii,
Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen,
Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
12 Dalkii xanaaq baad kula dhex socotay,
Quruumihiina cadho baad ku tuntay.
13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed,
Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan.
Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday.
Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)

Yooxanaa 12:1-11

Maryan Baa Ciise Beytaniya Ku Subagtay(A)

12 Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi, Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.

Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya