Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 51:1-12

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.

51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.

Ishacyaah 30:15-18

15 Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn. 16 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya. 17 Kun qof waxay ka carari doonaan mid qudha cabsigelintiis, idinkuna waxaad ka carari doontaan shan bajintood, ilaa intiinna hadhay ay noqdaan sida tiir buur dhaladeed laga taagay iyo sida calan kur dusheed la saaray. 18 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu sugayaa inuu idiin roonaado, oo wuxuu u sarreeyaa inuu idiin naxariisto, waayo, Rabbigu waa Ilaah caddaalad badan, oo waxaa barakaysan kuwa isaga sugaya oo dhan.

Cibraaniyada 4:1-13

Nasashada Ilaah Dadkiisa Siiyo

Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin. Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi,

Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan,

in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida. Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi,

Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed. Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi,

Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina.

Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale. Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho. 10 Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay. 11 Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin. 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya