Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 107:1-16

Kitaabka Shanaad

Sabuurrada 107-150

107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa,
Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah,
Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey,
Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey,
Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.

Baxniintii 15:22-27

Biyihii Maaraah Iyo Elim

22 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin. 23 Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah. 24 Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa? 25 Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii; 26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.

27 Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.

Cibraaniyada 3:1-6

Ciise Masiix Waa Ka Sarreeyaa Muuse

Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa. Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya