Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 35:1-10

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.

Tirintii 22:22-28

22 Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen. 23 Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo. 24 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay. 25 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay. 26 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona. 27 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay. 28 Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?

1 Korintos 7:32-40

32 Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa. 33 Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa. 34 Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso. 35 Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan. 36 Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen. 37 Kii qalbigiisa ka adkaysta, isagoo aan la qasbin, laakiin nafsaddiisa u taliya, uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo, si wanaagsan buu falaa. 38 Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa. 39 Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya. 40 Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya