Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 139:1-6

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.

Sabuurradii 139:13-18

13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.

Samuu'eel Kowaad 2:21-25

21 Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

22 Oo Ceeliina aad buu u gaboobay; oo wuxuuna maqlay wixii ay wiilashiisu reer binu Israa'iil oo dhan ku sameeyeen, iyo inay la seexdeen dumarkii ka adeegi jiray iridda teendhada shirka. 23 Markaasuu wuxuu ku yidhi iyagii, War maxaad waxyaalaha caynkaas ah u samaysaan? Waayo, waxaan dadkan oo dhan ka maqlay macaamilooyinkiinna xunxun. 24 Maya, wiilashaydiiyow, waayo, warkaan maqlay ma wanaagsana, maxaa yeelay, idinku dadka Rabbiga waad xadgudbisaan. 25 Haddii nin mid kale ku dembaabo, Ilaah baa isaga xukumi doona, laakiinse nin hadduu Rabbiga ku dembaabo, bal yaa isaga u baryootami doona? Laakiinse iyagu ma ay dhegaysan codkii aabbahood, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu doonayay inuu dilo iyaga.

Matayos 25:1-13

Masaalka Ku Saabsan Tobankii Gabdhood

25 Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto. Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen. Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga. Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen. Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan. Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada. 10 Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay. 11 Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur. 12 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo. 13 Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya