Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 139:1-6

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.

Sabuurradii 139:13-18

13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.

Xaakinnada 2:6-15

Caasinimadii Iyo Guuldarradii

Haddaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka. Oo dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil. Yashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira. Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash. 10 Oo weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.

11 Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliimka. 12 Wayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen. 13 Oo intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod. 14 Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda. 15 Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.

2 Korintos 10:1-11

Bawlos Amarkiisii Wuxuu Ka Yimid Ilaah

10 Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay. Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno. Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno, waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco, annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.

Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay. Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono. Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya. 10 Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa. 11 Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya