Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 69:1-5

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.

69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga,
Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin,
Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda,
Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

Sabuurradii 69:30-36

30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

Baxniintii 30:22-38

Saliiddii Subkidda

22 Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi, 23 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus, 24 iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah. 25 Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. 26 Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga, 27 iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa, 28 iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba. 29 Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus. 30 Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada. 31 Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. 32 Haddaba waa inaan dad jidhkiisa lagu shubin, ama waa inaydnaan samayn mid la mid ah, oo sideeda oo kale loo sameeyey, waayo, iyadu waa quduus, oo waxay idiin noqon doontaa quduus. 33 Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

Fooxa

34 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad qaadataa uunsi udgoon oo ah istakte iyo onika iyo galbanum, iyagoo ah uunsi ay ku jirto beeyo saafi ah, oo miisaankooduna ha iswada le'ekaado. 35 Oo waxaad ka samaysaa foox, kaas oo loo sameeyey sida cadarsameeyuhu uu u sameeyo oo kale, oo cusbo lagu daray, oo saafi ah, quduusna ah. 36 Oo qaarkiis waa inaad tuntaa oo yaryaraysaa, oo waxaad hor dhigtaa maragga ku jira taambuugga shirka, taasoo ah meesha aan kugula kulmi doono; oo waxay idiin noqon doontaa kan ugu wada quduusan. 37 Oo fooxa aad samayn doontaan sidiisa ha u samaysanina; waayo, wuxuu kuu noqon doonaa quduus Rabbiga aawadiis. 38 Oo ku alla kii kaas oo kale sameeya, inuu ku udgoonsado, kaas dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

Falimaha Rasuullada 22:2-16

Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,

Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin. Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba. Sidatan ayay iigu markhaati furayaan wadaadka sare iyo waayeelladii oo dhammuba, kuwaasoo aan warqado uga helay walaalaha, oo aan Dimishaq u sodcaalay inaan kuwa halkaas joogayna, iyagoo xidhxidhan, Yeruusaalem keeno si loo ciqaabo.

Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay. Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid. Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii. 10 Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan. 11 Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

12 Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay, 13 ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii. 14 Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid. 15 Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay. 16 Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya