Revised Common Lectionary (Complementary)
105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.
10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal.
Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda;
Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan,
Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn;
Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin,
Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
15 Ka leexo, hana marin,
Ka noqo oo hareer ka mar.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin,
Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
17 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada,
Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale,
Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale.
Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
20 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso,
Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
21 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan,
Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
22 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela,
Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr,
Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
24 Af qalloocan iska saar,
Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen,
Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso,
Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan,
Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
Ciise Wuxuu Doortay Laba Iyo Tobankii Rasuul(A)
12 Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado. 13 Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo; 14 oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo 15 Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh, 16 iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey. 17 Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo. 18 Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey. 19 Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya