Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 19:2-8

Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda. Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh, Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay. Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh; oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto. Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.

Sabuurradii 100

Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.

100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

Rooma 5:1-8

Waxa Rumaysadka Laga Helo

Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix; kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah. Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento; dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo; rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.

Jacaylka Ilaah Waxaa Lagu Gartaa Ciise Dhimashadiisa

Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn. Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto. Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

Matayos 9:35-10:8

35 Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

Masiixu Dadkuu U Naxariistay

36 Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn. 37 Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. 38 Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

Ciise Laba Iyo Tobankiisii Rasuul(A)

10 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo [a]Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Rasuulladii Shuqulkoodii(B)

Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina, laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah. Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

Matayos 10:9-23

Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina, 10 qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa. 11 Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 12 Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya, 13 oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto. 14 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

Silaca(A)

16 Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo. 17 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa. 21 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan. 22 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona. 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya