Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub
38 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,
oo wuxuu ku yidhi,
2 Waa kuma kan talada ku madoobeeya
Erayada aan aqoonta lahayn?
3 Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4 Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?
Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5 Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?
Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?
Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,
Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay
Sidii wax maxal ka soo baxay,
9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,
Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray,
Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,
Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
8 Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah. 9 Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix, 10 laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka, 11 kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba. 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya