Revised Common Lectionary (Complementary)
Tukashadii Xannaah
2 Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi:
Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay,
Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday.
Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda,
Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro,
Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro,
Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina;
Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin;
Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan,
Falimahana isagaa miisaama.
4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin,
Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed.
Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen,
Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba,
Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa;
Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga.
Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa,
Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa,
Si uu amiirrada ula fadhiisiyo,
Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan;
Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh,
Oo dunidana iyaguu saaray.
9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis;
Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
10 Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa;
Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa,
Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida;
Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa,
Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
15 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah. 16 Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan. 17 Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa? 18 Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado! 19 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara. 20 Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa. 21 Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale. 22 Oo kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim.
Dibunoqoshada Waa Laga Digay
8 Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda. 9 Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
10 Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado. 11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn. 13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey. 14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix. 15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd. 16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed? 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan. 18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya. 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo. 20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya