Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 89:1-4

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.

89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)

Sabuurradii 89:19-26

19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.

Xaakinnada 13:2-24

Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin. Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil. Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin. Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa; laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay. Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona. Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada. 10 Markaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid. 11 Markaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay. 12 Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa? 13 Markaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto. 14 Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto. 15 Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno. 16 Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay. 17 Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno? 18 Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe? 19 Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen. 20 Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen. 21 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga. 22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah. 23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah. 24 Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

Yooxanaa 7:40-52

40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii. 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay? 43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis. 44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.

45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen? 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay. 47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey? 48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga? 49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin. 50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi, 51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? 52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya