Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yexesqeel 18:1-4

Naftii Dembaabtaa Way Dhiman Doontaa

18 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Maxaad ula jeeddaan markaad maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil ugu maahmaahdaan, idinkoo leh, Aabbayaashu waxay cuneen canab dhanaan, oo carruurta ilkahoodiina way saliilyoodeen? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin. Bal eega, nafaha oo dhan anigaa iska leh, oo sida nafta aabbuhu ay taydii u tahay ayaa tan wiilkuna ay taydii u tahay, haddaba naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.

Yexesqeel 18:25-32

25 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu? 26 Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey. 27 Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa. 28 Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu? 30 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon. 31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan? 32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.

Sabuurradii 25:1-9

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.

Filiboy 2:1-13

Waano Ku Saabsan Isku-mid-ahaanshaha Iyo Is-hoosaysiinta

Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis, farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.

Ciise Is-hoosaysiintiisii Iyo Isbixintiisii Waa Masaal

Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

Nuurar Dunida Ku Dhex Jira

12 Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir, 13 waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.

Matayos 21:23-32

Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(A)

23 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey? 24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Masaalka Ku Saabsan Labada Wiil

28 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya