Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
19 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa. 20 Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta. 21 Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono. 22 Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey. 23 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado? 24 Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(A)
27 Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii. 28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 30 Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba. 31 Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 32 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay. 33 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya