Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 106:1-12

106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.

Ishacyaah 41:1-13

Caawiyaha Reer Binu Israa'iil

41 Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno. Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale. Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin. Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay. Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen. Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow. Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.

Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin. 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah. 11 Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan. 12 Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah. 13 Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.

Matayos 18:1-5

Is-hoosaysiinta(A)

18 Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn? Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan. Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada, oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya