Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay,
Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey,
Kaasoo uu ku amray awowayaasheen,
Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa,
Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan,
Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii,
Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon
Farcan madax adag oo caasi badan,
Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn,
Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan,
Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda
Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen
Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay,
Haddaba miyuu kibisna bixin karaa?
Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday,
Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay,
Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan,
Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare
Oo albaabbadii samadana wuu furay;
24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan,
Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha,
Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari,
Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale,
Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda,
Iyo rugahooda hareerahooda.
29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen,
Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
Ha Illoobina Rabbiga
8 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin. 2 Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale. 3 Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado. 4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin. 5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo. 6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro. 8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab, 9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan. 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
Bawlos Wuxuu Ku Talo Jiray Inuu Rooma Tago
8 Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahadnaqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan. 9 Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto, 10 anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado. 11 Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan; 12 taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba. 13 Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan. 14 Waxaa waajib la iigu leeyahay inaan wacdiyo Gariigga iyo [a]Barbariyiinta, kuwa caqliga leh iyo kuwa garaadka la'ba. 15 Sidaas daraaddeed anigu diyaar baan u ahay inaan injiilka ku wacdiyo kuwiinna Rooma joogana.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya