Revised Common Lectionary (Complementary)
8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
9 Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
Reer Binu Israa'iil Ee La Doortay
44 Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla. 2 Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina. 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal. 5 Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.
Dhiirrigelinta Tukashada(A)
7 Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa. 9 Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya