Revised Common Lectionary (Complementary)
CAYN.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
MAAHMAAHYADII
Dulucda Kitaabka
1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
6 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
Dhiirrigelinta Xigmad-Qaadashada
20 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka;
Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
21 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn;
Oo iridda magaalada laga soo galo
Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan?
Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan?
Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
23 Canaantayda u soo noqda;
Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga,
Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen;
Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen,
Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo;
Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale,
Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah;
Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono;
Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta,
Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin;
Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda,
Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta,
Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa,
Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.
30 Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa? 31 Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan. 32 Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.
33 Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen. 34 Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya