Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:129-136

FE.

129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

Boqorradii Kowaad 1:38-48

38 Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon. 39 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado. 40 Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii. 41 Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay? 42 Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye. 43 Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan. 44 Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka! 45 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas. 46 Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada. 47 Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii. 48 Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

Falimaha Rasuullada 7:44-53

44 Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay. 45 Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud. 46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego. 47 Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

48 Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,

49 Samadu waa carshigayga,
Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan?
Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?

51 Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen. 53 Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya