Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 92

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.

92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

Maahmaahyadii 11:23-30

23 Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya,
Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada;
Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa,
Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
26 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona,
Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
27 Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo,
Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
28 Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa,
Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
29 Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa,
Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
30 Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed,
Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.

Matayos 13:10-17

Sida Loo Isticmaalo Masaallada(A)

10 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa? 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh,

Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan,
Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
15 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday,
Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan,
Indhahoodana way isku qabteen;
Si aanay indhaha wax ugu arkin,
Oo dhegaha wax ugu maqlin,
Oo qalbiga wax ugu garan,
Si aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.

16 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan. 17 Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya