Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
Yahuudah Oo U Adeegaya Nebukadnesar
27 Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, 2 Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada. 3 Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah. 4 Oo waxaad iyaga ku amartaa inay sayidyadooda ku yidhaahdaan, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad sayidyadiinna ku tidhaahdaan, 5 Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman. 6 Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan. 7 Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona. 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo. 9 Haddaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, 10 waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed. 11 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.
16 Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan. 17 Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa? 18 Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin. 19 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay, 20 oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey, 21 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba, 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
Sharka Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
18 Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro; 19 maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga. 20 Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan. 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. 22 Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen. 23 Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.
24 Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo; 25 maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya