Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday,
Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye,
Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay,
Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey,
Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna,
Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan,
Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah,
Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
Yeremyaah Iyo Fashxuur
20 Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya. 2 Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga. 3 Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay [a]Maagoor Misaabiib. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa. 5 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan. 6 Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
53 Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan, 54 iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
Ciise wuxuu xertiisii uga digay labawejiilenimada
12 Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada. 2 Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin. 3 Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qoolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya