Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday,
Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye,
Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay,
Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey,
Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna,
Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan,
Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah,
Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
12 Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
13 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruumaha waxaad ka dhex weyddiisaan, Bal yaa waxyaalahan oo kale maqlay? Dadka Israa'iil oo bikrad ah waxay sameeyeen wax aad iyo aad u xun. 14 Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan? 15 Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn, 16 si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa. 17 Anigu waxaan iyaga cadowgooda ugu hor firdhin doonaa sidii iyagoo dabayl bari kaxaysay, oo maalintii masiibadoodana waxaan u jeedin doonaa dhabarka, oo innaba wejiga tusi maayo.
5 Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin. 6 Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa?
7 Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha.
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad,
Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,
8 Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay.
Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey. 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya