Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 29

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

Ayuub 38:39-39:12

39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid?
Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan,
Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya,
Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan,
Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

39 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho?
Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo?
Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan,
Oo fooshoodana way iska saaraan.
Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan,
Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey?
Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada,
Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa,
Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa,
Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego?
Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo?
Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11 Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa?
Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12 Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno,
Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?

1 Korintos 12:1-3

Hadiyadaha Ruuxa Oo Kala Duduwan Oo Isku Ruux Ah

12 Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada. Waad og tihiin in, markaad dad aan Ilaah aaminin ahaan jirteen, laydin geeyn jiray sanamyada aan hadli karin, si laydinku geeyn jirayba. Sidaa daraaddeed waxaan idin ogeysiinayaa inaan nin Ruuxa Ilaah ku hadlaa odhanaynin, Ciise waa inkaaran yahay, oo aan ninna odhan karin, Ciise waa Rabbi, inuu Ruuxa Quduuska ah ku hadlo mooyaane.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya