Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo?
Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada,
Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa?
Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah,
Amase hillaaca onkodka,
26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin,
Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah,
Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 Roobku ma aabbuu leeyahay?
Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay?
Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale,
Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo?
Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto?
Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka?
Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa,
Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan,
Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey?
Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara?
Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 Markii boodhku taallooyin noqdo,
Oo ciidduna ay isku dhegto?
Ciise Wuxuu Ku Ballanqaaday Ruuxa
15 Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. 16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya