Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

Ayuub 38:12-21

12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay?
Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa,
Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa,
Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday,
Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay?
Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey?
Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa?
Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee?
Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 Si aad soohdintiisa u martid,
Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd
Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

2 Timoteyos 1:12-14

12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas. 13 Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira. 14 Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya