Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 33:12-22

12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Baxniintii 19:16-25

16 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen. 17 Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii. 18 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay. 19 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay. 20 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay. 21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane. 22 Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye. 23 Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig. 24 Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye. 25 Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

Rooma 8:14-17

Carruurta Ilaah

14 In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah. 15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow. 16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah. 17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya