Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 99

99 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,
Isagu waa quduus.
Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,
Caddaalad baad adkaysaa,
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,
Isagu waa quduus.
Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

Tirintii 16:41-50

41 Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen. 42 Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii. 43 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda. 44 Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 45 Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen. 46 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay. 47 Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday. 48 Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay. 49 Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax. 50 Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.

1 Butros 4:7-11

Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada. Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan. Ismartiqaada gunuunacla'aan. 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah. 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya