Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 99

99 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,
Isagu waa quduus.
Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,
Caddaalad baad adkaysaa,
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,
Isagu waa quduus.
Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

Laawiyiintii 9:1-11

Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda

Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi. Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah. Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa. Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen. Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa. Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray. Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga. Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga. 10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray. 11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

Laawiyiintii 9:22-24

22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada. 23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

1 Butros 4:1-6

Waa In Dembiga La Diido

Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga, si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah. Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah. Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan. Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya