Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Falimaha Rasuullada 7:55-60

55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan. 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado. 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

Sabuurradii 31:1-5

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.

Sabuurradii 31:15-16

15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.

1 Butros 2:2-10

oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada, haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay, kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah. Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix. Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay,

Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah,
Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.

Haddaba sidaas daraaddeed qaalinimada waxaa leh idinkoo ah kuwa rumaysan, laakiinse xagga kuwa aan rumaysnayn,

Dhagaxii kuwa wax dhisa ay diideen,
Wuxuu noqday madaxa rukunka;

iyo

Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay. Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh. 10 Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen.

Yooxanaa 14:1-14

Jidka Loo Maro Aabbaha

14 Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta. Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan. Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin. Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka? Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa. 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya