Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 114

114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.

Yoonis 2

Baryadii Yoonis

Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka. Oo wuxuu yidhi,

Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay,
Isna wuu ii jawaabay.
Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa,
Adna codkaygaad maqashay.
Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda.
Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.
Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray;
Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.
Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda,
Moolkiina wuu igu wareegsanaa;
Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.
Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda;
Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba;
Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.
Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow;
Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.
Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa
Waxay ka tagaan naxariistoodii.
Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa;
Wixii aan nidrayna waan bixinayaa.
Badbaado waxaa leh Rabbiga.

10 Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

Matayos 12:38-42

Ciise Baa Diiday Markii Calaamo La Weyddiistay(A)

38 Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno. 39 Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee. 40 Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa. 41 Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga. 42 Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya