Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 16

Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.

16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

Gabaygii Sulaymaan 5:9-6:3

Saaxiibadaha Hadlayaa

Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Taada naagaha ugu qurxoonay?
Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

Gacalisada Hadlaysaa

10 Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan.
Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11 Madaxiisu waa sida dahab saafi ah,
Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12 Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta,
Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13 Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa.
Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.
14 Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey,
Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.
15 Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah,
Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.
16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Taada naagaha u qurxoonay,
Xaggee gacaliyahaagii tegey?
Aannu kula goobnee,
Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

Gacalisada Hadlaysaa

Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah
Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii,
Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

1 Korintos 15:1-11

Sarakicidda Masiixa

15 Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin, oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnan micnela'aan u rumaysan. Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay, waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay. Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii. Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay. Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan. Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday. Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray. 10 Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay. 11 Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya