Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.
16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2 Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3 Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
8 Waa kaa codkii gacaliyahaygu!
Bal eega, wuu soo socdaa,
Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
9 Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale.
Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa,
Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.
10 Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
11 Waayo, qabowgii wuu na dhaafay,
Oo roobkiina wuu dhammaaday, wuuna qaaday,
12 Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa,
Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay,
Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.
13 Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa,
Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan,
Wayna soo carfayaan.
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
Gacaliyaha Hadlayaa
14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta,
Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii,
Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
15 Dawacooyinka noo qabta, kuwaasoo ah dawacooyinka yaryar ee beerahayaga canabka ah bi'iya,
Waayo, beerahayaga canabka ahu haatan way ubxinayaan.
Baryo Ku Saabsan Faafinta Injiilka
2 Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya. 3 Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay; 4 inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo. 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya