Revised Common Lectionary (Complementary)
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan. 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil. 3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay. 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya. 5 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan. 6 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
3 Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah. 2 Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal. 3 Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah. 4 Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)
20 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday. 2 Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen. 3 Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii. 4 Way wada ordeen labadoodiiba, oo kii kale oo xerta ahaa ayaa Butros ka dheereeyey, oo uga hor maray xabaashii. 5 Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin. 6 Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal 7 iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd. 8 Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay. 9 Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco. 10 Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.
Ciise Wuxuu U Muuqday Maryan Tii Reer Magdala(B)
11 Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay. 12 Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha. 13 Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen. 14 Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay. 15 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye. 16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow. 17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin. 18 Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)
28 Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan. 2 Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay. 3 Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad. 4 Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.
5 Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay. 6 Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay. 7 Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye. 8 Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan. 9 Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen. 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya