Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 31:9-16

Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.

Ayuub 13:13-19

13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee,
Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa,
Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa,
Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda,
Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17 Hadalkayga aad u dhegaysta,
Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey,
Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa?
Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

Filiboy 1:21-30

Waxaa Nolosha Ii Ah Masiixa

21 Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay, 24 laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin. 25 Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood, 26 in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.

Dhiirrigelinta

27 Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka, 28 oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah. 29 Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan, 30 idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya