Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 143

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

143 Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig,
Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin,
Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
Waayo, cadowgaa naftayda silciyey,
Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray,
Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa,
Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore,
Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa,
Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
Gacmahaygaan kuu hoorsadaa,
Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa.
Wejigaaga ha iga qarin,
Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
Aroorta naxariistaada i maqashii,
Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa,
I garansii sidii aan u socon lahaa,
Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga,
Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
11 Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis,
Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
12 Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir,
Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i,
Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.

Boqorradii Kowaad 17:17-24

17 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa. 18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid? 19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii. 20 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay? 21 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto. 22 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday. 23 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye. 24 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

Falimaha Rasuullada 20:7-12

Ninkii Dhallinyarada Ahaa Oo Yutukhos La Odhan Jiray

Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey. Siraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn. Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday. 10 Markaasaa Bawlos hoos u soo degay oo ku dul dhacay isagii, waana isku duubay, isagoo leh, Ha buuqina; maxaa yeelay, naftii waa ku jirtaa. 11 Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey. 12 Wiilkiina way keeneen isagoo nool, si aan yarayn baana loo qalbi qaboojiyey iyagii.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya