Revised Common Lectionary (Complementary)
Dooxada Lafaha Engegan
37 Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan, 2 oo hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen. 3 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu miyey noolaan karaan? Oo waxaan ugu jawaabay: Sayidow, Rabbiyow, adaa og. 4 Oo haddana wuxuu igu yidhi, Lafahan la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Lafahan engeganow, bal erayga Rabbiga maqla. 5 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan. 6 Oo seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 7 Sidaas darteed ayaan wax u sii sheegay sidii laygu amray, oo intaan wax sii sheegayay ayaa sanqadh weyni yeedhay, oo dhulgariir baa dhacay, oo lafihiina way isku soo wada urureen, oo lafuba lafteedii bay u tagtay. 8 Oo intaan fiirinayay ayaa waxaa soo kor fuulay seedo, oo hilib baana ka dul baxay oo harag baa ku kor daboolmay, laakiinse neefu kuma jirin. 9 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, dabaysha la hadal, la hadal, oo waxaad dabaysha ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dabayshay, afarta qalbadood ka kaalay oo kuwan la laayay si ay u soo noolaadaan aawadeed ku neefso. 10 Sidaas daraaddeed waxaan ku hadlay siduu igu amray, oo neef baa iyagii soo gashay, oo way soo wada noolaadeen, oo cagahay ku istaageen, oo waxay ahaayeen ciidan aad iyo aad u faro badan. 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay. 12 Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil. 13 Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 14 Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.
Gabayga meelokoridda.
130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
2 Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
5 Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.
6 Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda, 7 maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto. 8 Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah. 9 Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha. 10 Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed. 11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
Ciise Baa Laasaros Soo Nooleeyey
11 Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta. 2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay. 3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye. 4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros. 6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay. 7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno. 8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas? 9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan. 10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga. 11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo. 12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa. 13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada. 14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay. 15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno. 16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray. 18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon. 19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday. 21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. 22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo. 23 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa. 24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa. 25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. 26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay? 27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa. 29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay. 30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay. 31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato. 32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. 33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday. 34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag. 35 Ciise waa ooyay. 36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa. 37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa. 39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa. 40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah? 41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay. 42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay. 43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax. 44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.
Wadaaddadii Sare Shirqool Bay Ciise U Dhigeen(A)
45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya