Revised Common Lectionary (Complementary)
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
17 Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah. 18 Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan. 19 Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa. 20 Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa. 21 Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed. 22 Mid yarba wuxuu noqon doonaa kun, oo mid yarna wuxuu noqon doonaa quruun xoog badan. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxan wakhtigiisa soo deddejin doona.
Laba Nin Oo Indha La'
27 Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso. 28 Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. 31 Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.
Nin Carrab La' Oo Jinni Qaba
32 Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla oo jinni qaba. 33 Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag. 34 Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya