Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 95

95 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
Waayo, isagu waa Ilaaheen,
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.
Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
Markay awowayaashiin i jirrabeen,
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay
Inaanay nasashadayda gelin.

Baxniintii 16:1-8

Maanna Iyo Digaagduur

16 Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen. Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen. Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale. Oo maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah. Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan? Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

Kolosay 1:15-23

15 Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan; 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay. 17 Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan. 18 Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba. 19 Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto, 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba. 21 Idinku waa hore waxaad ahaydeen kuwo ajanabi laga dhigay, oo maankiinnana cadow baad ka ahaydeen xagga shuqulladiinna sharka ah, 22 laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn, 23 haddii aad ku sii jirtaan iimaanka, oo aad gun iyo xidid adag ku leedihiin, oo aydnaan ka fogaan rajadii injiilkii aad maqasheen, kaas oo lagu wacdiyey uunka samada ka hooseeya oo dhan, oo anigoo Bawlos ah layga dhigay midiidin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya