Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd,
Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn,
Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo,
Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya,
Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
Qaabiil Iyo Haabiil
4 Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa. 2 Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale. 3 Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka. 4 Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii; 5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday. 6 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday? 7 Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga. 8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii. 9 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa? 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye. 11 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo. 12 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega. 13 Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo. 14 Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono. 15 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin. 16 Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.
Ciise Wuxuu Yahay Wadaadka Sare Oo Ka Sarreeya Haaruun
14 Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno. 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn. 16 Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.
5 Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood. 2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay. 3 Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale. 4 Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay. 5 Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi,
Adigu waxaad tahay Wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
6 Meel kalena wuxuu ka yidhi.
Adigu weligaaba wadaad baad tahay
Sidii derejadii Malkisadaq.
7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa. 8 In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday; 9 oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah. 10 Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya